{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar

Khamiis, 11 June 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo uu ka daah-furay mashaariic horumarineed iyo xarumo dowladeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xarigga ka jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, dhismayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda iyo sidoo kale waddooyin laami ah oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka magaalada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumeyso dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay helaan shacabku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona tayeynta maamulka, hufnaanta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...