{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta booqasho shaqo ku gaaray Dalka Jabuuti.

Jabuuti, Juun 26, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qayb ka ah madax iyo mas’uuliyiin ka socda dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah oo lagu casuumay ka qayb galka munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada kasoo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku suganyahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmidoona Madaxweymaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo kala hadlidoona xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee wlaalaha ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...