{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusay guddigii qabanqaabada maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

Khamiis 2, July 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusay guddigii qabanqaabada iyo howl-wadeennadii doorka weyn ka qaatay diyaarinta iyo hirgelinta munaasabadihii lagu xusay maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka uu yahay fursad dib loogu milicsado halgankii dheeraa ee loo soo maray dowladnimada Soomaaliya, isla markaana la xoojiyo dareenka waddaniyadeed, midnimada shacabka iyo himilada dhismaha qaran xooggan oo isku filan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhammaan ciidamada, masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay munaasabadaha sanadkan, isaga oo Shahaadooyin ka turjumaya howlkarnimadooda guddoonsiiyay mas’uuliyiinta guddiga iyo howl-wadeenada muujiyay dadaalka dheeriga ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

DFS oo Diyaarineyso xayiraado dhaqaale iyo socdaal oo ka dhan ah Lafta-gareen

ISNIIN 7, Sep 2026 {HMC} Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayaan tallaabooyin dhaqaale iyo kuwo socdaal oo...