{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidanka Jabuuti iyo saraakiil sare oo la socday.

Arbaco 5, August 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo saraakiil sare oo la socday.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyada oo Madaxweynaha uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan taageerada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarada Lagu Qaaday Dalka Sacuudiga.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} — Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarrada ay maleeshiyada Xuutiyiinta ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo...