{DAAWO SAWIRADA} Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxday degmada Buurhakaba, Iyo Ciidanka Soomaaliya oo La wareegay.

Isniin 10 Aog 2026 {HMC} Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada lagu wareejiyay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

AUSSOM ayaa sheegtay in 8-dii Agoosto ay si rasmi ah, iyadoo taageero ka heleysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), ugu wareejisay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qeybta 60-aad, maamulka farsamo ee Buurhakaba Forward Operating Base (FOB).

Saldhiggan ayaa waxaa tan iyo 2014 ku sugnaa ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ahaa hawlgalladii Midowga Afrika ee Soomaaliya.

AUSSOM waxay ku tilmaantay wareejinta Buurhakaba tallaabo kale oo muhiim u ah qorshaha ah in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo hoggaanka Soomaaliya ee dhinaca amniga.

Maxaa Buurhakaba ka dhigaya meel muhiim ah?

Buurhakaba waa degmo istiraatiiji ah oo ku taalla gobolka Bay, waxaana muhiimaddeeda sii kordhiya goobta ay kaga taallo isku xirka deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan jidka u dhexeeya Baydhabo iyo Muqdisho.

Bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa sidaas darteed sare u qaadaya su’aalaha ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin inay si madax-bannaan u ilaashadaan deegaannada istiraatiijiga ah ee ay ciidamada shisheeye muddo dheer ku sugnaayeen.

AUSSOM ayaa mas’uuliyadda amniga si tartiib ah ugu wareejinaysa ciidamada Soomaaliya, hase yeeshee howlgalka Midowga Afrika wuxuu wajahayaa dhaqaale yari iyo caqabado dhinaca maalgelinta ah. Midowga Afrika ayaa horey uga digay in yaraanta dhaqaale ay saameyn ku yeelan karto awoodda AUSSOM ee fulinta waajibaadkeeda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...