{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Soomaaliya oo Beletweyne ku xusay sanad-guuradii 49-aad ee aas-aaska Ciidanka Jabuuti

Sabti 6, June 2026 {HMC} Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Soomaaliya ayaa maanta magaalada Beletweyne ku xusay sanad-guuradii 49-aad ee aas-aaska Ciidamada Difaaca Qaranka Jabuuti (DNDF).

Munaasabadda ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhoolatusyo ciidan, ubax dhig lagu maamuusay geesiyaashii naftooda u huray dalkooda, iyo abaalmarin lagu aqoonsaday adeegga iyo naf-hurnimada ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.

Xafladda ayaa sidoo kale muujisay iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya ciidamada howlgalka AUSSOM, hay’adaha ammaanka Soomaaliya, maamulka deegaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Taliyaha Qeybta 4-aad ee AUSSOM, Col. Abdourahman Rayale, ayaa hambalyo u diray ciidamada munaasabaddan muhiimka ah, isagoo ku ammaanay xirfaddooda, dadaalkooda iyo kaalinta ay ka qaateen nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...