Sabti 3 October 2026 {HMC} Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Madeey Nurey sheikh Ufurow, ayaa ka qeyb galay munaasabad rasmi ah oo lagu dhaarinayay Dufcadda 9aad ee layli saraakiisha /Guutada 22-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda ayaa lagu muujiyay diyaar-garowga, anshaxa iyo heeganka ciidanka cusub, kuwaas oo loo diyaariyay inay gutaan waajibaadkooda qaran, difaacaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana u adeegaan ilaalinta amniga iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay ilaashadaan anshaxa, wadajirka, daacadnimada iyo waajibaadka qarannimo, iyagoo mar walba dhowraya sharciga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

