Ciidanka Kumaandooska Danab oo Burburiyay Fariisimo AS ay Ku Lahaayeen Gobolka Baay.

Arbaco 22 July 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa hawlgal burburin ah ka fuliyay deegaannada Buur Aylo, Jameeco, Durdur iyo Saaxweyne ee Gobolka Baay.

Hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ururrada 161-aad, 164-aad iyo 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, iyadoo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad, isku abaabul iyo qorsheynta falal amni-darro.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa si guul leh u burburiyay fariisimadii iyo goobihii bartilmaameedka ahaa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ee Gobolka Baay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro haraadiga kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...