Jimco 7 Aug 2026 {HMC} Waxa idlaatay laba beri oo loo qabtay ciidamada ka diwaangashanaa Dowladda Federaalka in ay dib ugu soo laabtay ciidamada Pantland, ka dib la wareegistii xeryaha Ciidamada PSF ee Gaalkacyo & Boosaaso.
Maalinta Axadda, waxa lagu wadaa in ciidamada Danab ee uu hoggaamiye, Gen.Jimcaale ee fadhigoodu yahay deegaanka Ligle ee Nugaal ay dib ugu soo laabtaan ciidamada Puntland iyada oo is-afgarad lagu gaaray; in ciidankan ay diwaangeli u samayso dowladdu bixisona xuquuqdooda, iyaguna ay ka tanaasulayaan xiriirka Dowladda Federaalka sidaasi ayaa lagu wadaa in Puntland dib ula wareegto ciidamadii iska diwaangeliyey Dowladda Soomaaliya ee Bari iyo Mudug, iyada oo la sheegey in ay badi is-afgarad laga gaadhay.
Tani waa fursad mideyn awoodeed oo heshay xukuumadda Puntland, waxa se sugaya maareynta xuquuqda ciidamadan badan ee kala duwan oo marar badan la arkay iyaga oo cabasho xuquuq jid u xidhay, waxa se ilo-dowladeed tilmaameen in mustaqbalka isdhexgelin loo samaynayo ciidamada Puntland iyada oo meesha laga saarayo awoodaha beeleed iyo shaqsiyaad.

