Ciidanka Danab oo burburriyay saldhigyo AS ay ku lahaayeen Shabeellaha hoose.

Isniin 5 Oktoobar, 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa xalay ilaa saacadihii hore ee saaka howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jowhar-yareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa diiradda lagu saaray xakameynta isku socodka iyo marinada ay Khawaarijtu u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda, gaar ahaan goobaha ay ku xirnaayeen doomo muhiim u ahaa isu-socodka dhinacyada deegaanka.

Ciidanka Danab ayaa intii uu howlgalka socday qaaday tallaabooyin lagu curyaaminayo dhaqdhaqaaqyada iyo marinada ay Khawaarijtu u adeegsadaan isu-socodka, iyadoo sidoo kale la xoojinayo amniga iyo la socodka goobaha muhiimka ah ee deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalada qorsheysan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fulinayaan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga, laguna wiiqayo dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka dawladda uu Sacuudigu taageerro ee Yemen ku dhawaaqay inay la wareegeen magaalada Dhubab.

Isniin 5 Oktoobar, 2026 {HMC} Ciidanka dawladda uu Sacuudigu taageerro ee Yemen ayaa maanta ku dhawaaqay inay la wareegeen magaalada Dhubab iyo goobo muhiim...