Ciidanka Danab oo 14 Ka Tirsan Kooxda AS Ku Dilay Howlgal Ka Dhacay Kurtunwaarey.

Axad 14 Juun 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Kooxda Al shabaab ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, waxaa lagu dilay 14 dhagarqabe oo ka tirsanaa Kooxda Al shabaab.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa burburiyay kayd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay diyaarinta iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo ku caan baxay cabburinta shacabka, dhaca hantidooda iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii wadidda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo nabadda dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Rw Xamse oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistaan.

Muqdisho, 22 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan...