Ciidamada Milatariga Uganda oo albaabada isugu laabay warbaahinta Daily Monitor oo Caan ka ah Dalkaas,

Axad 28, June 2026 {HMC} Taliyaha ciidamada Uganda oo ah wiil uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni ayaa la sheegay inuu amray in la xiro xarumaha TV-yada, wargeysyada iyo idaacadaha hoos taga warbaahinta Daily Monitor.

Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamo hubeysan ay ku sugan yihiin meel ka baxsan xarunta uu ku leeyahay caasimadda Kampala, waxaana hawada laga saaray labada TV ee NTV iyo Spark.

Warbaahintu waa qayb ka mid ah warbaahinta qaranka oo ka mid ah shirkadaha ugu saamaynta badan bariga Afrika.

Ma cadda waxa dhabta ah ee keenay in la caburiyo, balse qoraal uu soo dhigay X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu ku yiri: “Ma aaminsani saxafada xorta ah! Saxafada waa in ay hagaan kaadirka kacaanka.”

Mucaaradka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeya Gen Kainerugaba inuu udub dhexaad u ahaa nidaamka cadaadiska badan ee uu hogaamiyo aabihiis.

Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegay in ay dammaanad qaadeen xasiloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu horumaray intii ay maamulayeen. Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah ayaa xukunka la wareegay 40 sano ka hor.

Waxa uu ku guuleystey markii toddobaad doorashadii lagu murmay ee bishii January, iyada oo si weyn loo hadal hayey in uu wiilkiisa u diyaarinayo inuu maalin beddelo.

Gen Kainerugaba wuxuu sidoo kale ku sheegay bartiisa X in Aabihiis uu siiyay awood uu ku xiro xarun kasta oo warbaahineed”.
Wuxuu sheegay in labada NTV iyo Daily Monitor aysan dib u furmi doonin fasax la’aanteed.

“Wixii hadda ka dambeeya, dhammaan warbaahinta Uganda waxay raaci doonaan shuruucda!” Ayuu ku daray Jeneraalku.
The Daily Monitor ayaan sheegin sababta keentay in loo xirey balse waxay sheekada ku soo bandhigtay shabakadeeda in loo diiday shaqaalaha inay gudaha u galaan xarumaha taleefishinka

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...