CDS oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka wada HirShabeelle & Galmudug

Sabti  July 11, 2026 (HMC) Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billaabay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo xooggiisa ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug halkaas oo sidoo kale uu ka socdo abaabul ciidan.

Ciidamada Federaalka waxaa garabsiinaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda kuwaas oo muddo qayb ka ahaa howlgalladaan mar hakadka galay balse hadda Dowladdu ay doonayso in ay dib u billowday weliba si ka duwan qaabkii hore.

Gulufkaan ayaan ku jihaysan Deegaannada ay ‘AS’ ka joogaan Dowlad-Goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, waxaa ciidamadaan u dhaqaaqay howlgalka dhowaan la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalladaan cusub ay ka duwan howlgalladii hore, waxa ay xustay in diyaargarow xooggan la geliyay qorshaha lagu fulinayo howlgalkaan oo arrimo dhinaca ciidanka ah loo qariyay.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla Viacha

Talaado 8, Sep 2026 {HMC} Dowladda Bolivia ayaa sheegtay in ay weli ku howlan tahay baaritaannada qaraxa ka dhacay xero ciidan ee ku taalla...