Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee dalka Soomaaliya

Arbaco 22 Julay 2026 {HMC} Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga Afrika uu soo afjaro howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM ka wada Soomaaliya, iyagoo sheegay in la joogo waqtigii la soo gabagabeyn lahaa howlgalada noocan oo kale ah ee qaaradda Afrika. SomaliSpeaking Community

Labadan dal oo xubno ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in aan la sii wadi karin kharashaadka culus ee ku baxaya ciidamada nabad ilaalinta, waxayna su’aal geliyeen inta muddo ee Afrika awoodi karto inay sii maalgeliso howlgalka Soomaaliya.

Hadalkan ayay ka jeediyeen shir degdeg ah oo ay yeesheen la-taliyeyaasha militariga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Cameroon iyo Gabon ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay isu diyaariso maalinta ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka, iyagoo xusay in Soomaaliya ay tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amnigeeda, sida lagu daabacay The East African.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii yaraanayaan dhaqaalaha ay bixiyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee lagu taageero howlgalka AUSSOM, taasoo dhalisay dood ku saabsan mustaqbalka howlgalada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shimbir ka soo duushay dalka Hungary oo 5,180km kaddib ku dhimatay degaanada Puntland.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee...