Talaado 8, Sep 2026 {HMC}Boqolaal Muwaadiniin u dhashay Dalka Burundi oo ku sugan Kenya ayaa billaabay in ay dib ugu laabtaan dalkooda kaddib markii Xukuumadda Nairobi ay soosaartay amar si toos ah u taabanaya Ajaanibta Ganacsiga yaryar ku leh dalkeeda.
Muuqaallo laga soo duubay Safaaradda Burundi ee Kenya ayaa lagu arkay dad safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u heli lahaayeen warqadaha dib ugu noqoshada Dalkooda maadaama uu soo xirmay albaabkii ganacsiga ee Kenya.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa hadal dhul-gariirkii oo kale u gilgilay ajaanibta dhexdhigay kaddib markii uu sheegay in aanay dowladdoodu aqbali doonin ajaanibta ganacsiga yaryar ku haysata dalkiisa, waxaana ka dhashay falcelin gudaha ah.
Dadka uu haysto Madaxweyne Ruto ayaa lagu fasiray in ay yihiin Ajaanibta aan Kenya u tagin ganacsi balse muddo markii ay halkaas joogeen kaddib ku dhaqaaqay ganacsiga yaryar iyaga oo aanay haysan Ruqsad ama fasaxa Dowladda.
Ilo kala duwan ayaa ku warramay in Dadka qaar ee u dhashay Burundi ay billaabeen sidii safar dhulka ah uga bixi lahaayeen Kenya iyaga oo sii jaranaya Tikidhada laga doonayo maadaama aanay u suuragalayn in ay dhammaan dadkaas diyaarad wada raacaan.
Qaramada Midoobay gaar ahaan hay’adda u qaabilsan Qaxootiga waxaa diiwaankeeda ku jira 16,000 oo Muwaadin oo u dhashay Dalka Burundi kuwaas oo ku sugan Kenya, ujeedkooda ayaa ahaa in ay magangalyo weydiistaan Xukuumadda Nairobi sida hadalka loo dhigay.
Kenya ayaa sheegtay in uusan jirin amar si toos ah dadka ajaanibta ah loogu faray inay isaga baxaan dalkaas, waxaana arrintaasi lagu fasiray mid lagu dabcinayo hadalkii Madaxweyne William Ruto oo siyaasad ahaan is rogay isla markaana yeeshay fasiraad badan.

