Booqashadii Madaxweyne Erdoğan uu ku tagay Muqdisho bishii Agoosto 2011, oo Xus loo dhigay.

Arbaco 19 2026 {HMC}  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 15-guuradii ka soo wareegtay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagay magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2011.

Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay hay’adda cilmi-baarista ee ORSAM, ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana looga hadlay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye iyo horumarka ballaaran ee uu sameeyay xiriirka labada dal 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Doodaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka, tamarta iyo batroolka, kalluumeysiga iyo dhinacyo kale oo muhiim ah.

Danjire Ospite ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, isagoo ka hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee booqashadii Madaxweyne Erdoğan ee Muqdisho iyo sida ay u noqotay bilowga bog cusub oo iskaashi iyo walaaltinimo ah oo dhex mara labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Mareykanka oo war ka soo saaray sheegashada Iran ee ah in ay qabsatay Markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanku.

Talaado, 8, Sep 2026 {HMC} Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa BBC uga jawaabay sheegashada Iran ee ah inay “qabatay” gujis Maraykanku leeyahay...