Khamiis 27 Aug 2026 {HMC} Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Hay’adaha amniga magaalada Awaday ee Deegaanka Oromiya, ayaa soo qabtay Jaaltu Maxamed, oo ku eedaysan ilmo lix bilood ah oo ay la baxsatay.
Eedaysanadan, ayaa ilmaha Suuqa kaga soo qaaday Hooyadii dhashay oo mehered ku haysatay suuqa, maadaama ay eedaysanadu u shaqaynaysay, xaafad ay jaar yihiin, sidaana loogu aaminay, wuxuuna qorshuhu ahaa inay ilmaha xaafada gayso balse nasiibdaro way la baxsatay waxayna la tagtay Magaalada Awaday.
Booliska Deegaanka, oo kaashanaya shacabka iyo Booliska Magaalada Awaday, ayaa ku guulaystay in la helo ilmaha iyo eedaysanaha, ka dibna, waxaa dib loogu soo celiyay magaalada Jigjiga.
Booliska oo adeegsanaya baadhitaan iyo xirfadaha shaqada Booliska ayaa ku guuleystay soo helidda ilmaha, waxayna boolisku ilmaha ku wareejiyeen hooyadii dhashay.
Boolisku waxay waalidiinta ugu baaqeen inay ilaashadaan caruurtooda ayna ka feejignaadaan shaqaalaha xaafadaha uga shaqeeya iyo cidda ayna garanaynin shaqaalahana markay xaafadaha ka shaqagalinayaan ay kuxidhaan wakiil iyo cadaymo dib loogu raaci karo.


