Ammaanka Muqdisho oo sare loo qaaday & munaabado ka socda Caasimadda

Arbaco’1/ julay; 2026 {HMC} Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sare loo qaaday iyada oo la xiray qaybo kamid ah Waddooyinka muhiimka maadaama Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere lagu qabanayo Munaasabad lagu maamuusayo 66 sano guurada kasoo wareegtay markii Somaaliya ay ka xorrowday gumaystihii Ingiriiska iyo Faransiiska.

Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wakiillada Beesha Caalamka, marti iyo dadweyne isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalaya munaasabaddaan lagu maamuusayo markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad Madaxbannaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo munaasabadda waxaana sidoo kale bandhig samaynaya ciidamada qalabka sida iyo howlwadeennada kale ee Dowladda Federaalka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

RW Xamsa oo amar ku bixiyay in hubka laga xakameeyo waddooyinka Muqdisho.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa faray laamaha amniga inay adkeeyaan xakamaynta hubka lagu dhex qaato magaalada Muqdisho,...