Axad 23 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa damacsan in uu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowladda Federaalka Itoobiya oo awood buuxda leh lana dooran karo muddo labo jeer ah oo min 6 sano ah.Time & Calendars
Tallaabadaan waxa ay qayb ka tahay qorshaha wax ka baddelka Dastuurka Itoobiya, waxaa meesha laga saaray awoodda Baarlamaanka ee Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha oo ka awood badnaa Madaxweynaha Dalkaas.
Itoobiya ayaa si ay u xakamayso doodaha ka imaan kara dhinacyada kasoo horjeeda dib u eegista Dastuurka waxa ay qaadday tallaabooyin cusub sida in Ismaamullada laga mamnuuco awooddii u ogolaanaysay inay ka go’aan Dalkaas.
Sheekadaan ayaa lagu xiray hadal horay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ka dhex sheegay Xisbigiisa Barwaaqo July 2026 oo ahaa in la xadido awoodda muddada xilhaynta Itoobiya oo labo mar oo keliya qofka fursad loo siiyo.
Ilo kale oo sii xoojiyay arrintaan ayaa soo daliilsaday in 13kii Bishaan ay ku taliyeen qaar kamid ah ka qaybgalayaasha Wadahadalka Qaranka Itoobiya in nidaamka Baarlamaaniga ah lagu baddelo mid Madaxweyne sida dalal badan oo Caalamka ah.

