Mareykanka oo war ka soo saaray sheegashada Iran ee ah in ay qabsatay Markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanku.

Talaado, 8, Sep 2026 {HMC} Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa BBC uga jawaabay sheegashada Iran ee ah inay “qabatay” gujis Maraykanku leeyahay oo aan naaquuda lahayn , kaas oo ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz.

Afhayeenka CENTCOM, Kabtan-Leytenant Tim Hawkins, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gujis ka tirsan ciidamada badda Maraykanka ay cilad farsamo ku timid in ka badan hal maalin ka hor.

“Gujisku wuxuu ku guda jiray roondo biyaha aaggaas, isagoo taageeraya hawlgallada socda,” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in gujiskaasi ahaa nooc hore oo aan ururin xog xasaasi ah, isla markaana uusan sidin qalab raadaar ama dareemayaal sir ah.

“Hawlgallada Maraykanka ee biyaha gobolka ayaa weli socda,” ayuu yiri Hawkins.

Saacado ka hor, wakaaladda wararka Fars oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay inay “qabatay” gujis Maraykanku leeyahay oo ah nooc casri ah.

Fars ayaa sheegtay in gujiska uu ka mid yahay “gujisyada aan naaquudaha lhayn ee ugu casrisan uguna caqliga badan” ee ciidamada Maraykanka.

Wakaaladdu waxay sidoo kale sheegtay in gujiska lagu qabtay “albaabka laga galo” marin-biyoodka Hormuz.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iraan oo gacanta ku dhigtay markab nooca badda quusa ah ee loo yaqaano Gujiska oo uu leeyahay Mareykanka.

Talaado, 8 Seb 2026 {HMC} Iraan oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay markab nooca badda quusa ah ee Gujiska oo uu Mareykanku leeyahay. Wakaaladda wararka...