Wasiirka Amniga Soomaaliya oo gaaray Dalka Shiinaha.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, Wafdiga Wasiirka waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Cabdisalaam Suleymaan, kaas oo wafdiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Safaaradda, howlaha ay qabato iyo dadaallada ay diblomaasiyiintu ugu adeegayaan danaha qaranka Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd kulammo iyo hawlo uu Wasiirku ku leeyahay magaalada Beijing, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo iskaashiga labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose oo Booqday Ciidamada Xoogga Dalka, Kuna Wareejiyey Deeq Xoolo Nool ah

Jimco 23 Oct 2026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, ayaa maanta booqasho iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha Ciidanka Xoogga...