Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Axad 6, Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo uu kula hadlay saraakiisha iyo ciidanka Guutada 21-aad.

Taliyuhu wuxuu ciidanka kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ilaashadaan anshaxa iyo isku-duubnida ciidanka, isla markaana ay joogteeyaan heeganka iyo diyaargarowga ciidan, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Gorgor, G/le Sare Saahid Jaamac Faarax Jarrare, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyuhu wuxuu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaanka, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee ciidanka, xoojinta howlaha loo igmaday, iyo sidii loo horumarin lahaa diyaargarowga iyo hufnaanta ciidanka.

Booqashada waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Taliska Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Xasan (Garebey), iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta hoggaanka, isku-xirka howlaha iyo taakulaynta ciidanka, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka qaran iyo xoojinta awoodda hawlgal ee ciidanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Sacuudiga oo Ballaarinaya Warshadaha Soo Saara Gantaallada Riddada Dheer.

Jimco 23 Oct 2026 {HMC} Dowladda Sacuudiga ayaa iskudayaya inuu noqdo dalka xiga Iiraan ee Bariga dhexe oo leh warshado soo saara gantaallada riddada...