Talaado 18 Augst 2026 {HMC}Â Duqeyn maanta gelinkii dambe ka dhacday deegaan xeebeedka Suuj degmada Dangorayo ee gobol Nugaal ayaa lagu dilay afar nin, halka lagu dhaawacay labo kale.
Ragga dhintay ayaa saarnaa laash ka soo caariyay xeebka, sida uu qof deegaankaas ku sugan u sheegay Warbaahinta deegaanka, welina lama oga cidda gaysatay duqeynta.
Deegaanka Suuj iyo Garmaal waxaa ku xiran saddex markab oo ay haystaan kooxo burcad-badeed ah, kuwaas oo uu ku jiro mid shalay la qabsaday oo wararka qaar sheegayaan in uu leeyahay Turkiga.
Weli lama oga ragga duqeynta lagu dilay in ay yihiin burcad-badeed iyo in ay yihiin dadka noloshoodu ku tiirsantahay wax-soo-saarka badda.

