72 qof oo maanta lagu dilay Xadka Suudaani iyo Masar.

Axad 11 Oct 2026 {HMC} – 72 qof oo Suudaani ah ayaa lagu dilay duqeyn maanta ka dhacday goob laga qodo dahabka oo ku taal xadka Suudaan,Liibiya iyo Masar, sida ay weriyeen AP iyo AFP.

Weli lama oga cidda fulisay weerarka. Hase yeeshee, ilaha ay warbaahintu xigatay waxay sheegeen in mas’uuliyiinta Masar ay marar badan uga digeen macdan-qodayaasha inay ka baxaan aaggaas, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay dhulka Masar.

Dahabka ayaa door weyn ku leh dagaalka Suudaan. RSF ayaa lagu eedeeyay inay kumannaan tan oo dahab ah si qarsoodi ah uga dhoofiyeen gobollada Daarfuur iyo Kordofaan, si ay ugu maalgeliyan dagaalka.

Ku tiirsanaanta dahabka ayaa hadda ka gudbaysa xadka Suudaan, taasoo sare u qaaday khatarta ka jirta dhulalka xadka ku yaal ee Suudaan ku xira Liibiya iyo Masar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Soomaaliya Caalamka ee 12-10-2026.

Isniin 12 Oct 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII...