57 Wadan ayaa si adag u diiday Safaaradda Somaliland ka furtay magaalada Qudus.

Isniin 15 june 2026 {HMC} Ururka Iskaashiga Islaamka ee Loo soo gaabiyo OIC ayaa ka soo horjeestay furitaanka waxa uu ku tilmaamay “Safaaradda Somaliland” ee Maanta laga furay magaalada Qudus oo ah dhulka falastiin balse ay xooga ku haaysato israaiil.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ku mideeysan yihiin 57 Dal ayaa si adag u cambaareysay Safaaradda uu Maamulka Waqooyi Galbeed sheegay in ay ka furteen magaalada Barakeysan ee Qudus.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka ayaa lagu tilmaamay mid sharci darro in Safaarad laga furo dhulka ay heystao Israa’iil.

“Waa waxba kama jiraan tillaabo kasta oo la isugu dayo in wax looga badalo lahaanshaha magaalada Qudus, marka loo eego sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri qoraalka Ururka OIC

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa mar kale xaqiijiyay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...