Isniin, July 27 2026 {HMC} Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay kaddib markii rag hubeysan ay waaberigii hore ee Isniintii weerar ku qaadeen tuulo ku taalla gobolka Kaduna ee waqooyi-galbeed ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dogon Rana, oo ah xoghayaha hoggaanka tuulada, ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay gudaha u galeen deegaanka iyagoo rasaas si aan kala sooc lahayn u furaya isla markaana gubaya guryo. Wuxuu sheegay in siddeed carruur ah ay ka mid yihiin dadka la dilay, halka afar qof oo kalena ay dhaawacmeen.
Rabshadaha ay geystaan kooxaha hubeysan iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah ayaa noqday caqabad weyn oo dhinaca amniga ah oo ka jirta qaybo ka mid ah waqooyi-galbeed iyo bartamaha waqooyi ee Nigeria, halkaas oo bulshooyinka ay si joogto ah ula kulmaan weerarro dhiig badan ku daato.
Dhanka waqooyi-bari ee dalka, dowladda Nigeria waxay weli la tacaaleysaa argagixisada ay wadaan kooxda Boko Haram iyo garab ka go’ay. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay gobolka Kaduna.
Weerar dhacay xilli habeen ah
Ishaya Dawa, oo ah hoggaamiye dhallinyaro kana mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in weeraryahannadu ay gudaha u galeen tuulada Naridon ee degmada Kauru xilli ku dhow saqdii dhexe, kadibna ay rasaas ku fureen dadka degganaa.
Dawa wuxuu sheegay in meydad badan loo qaaday qaybta meydadka ee isbitaalka.
“Dadka la dilay waxaa ku jira haween, carruur iyo dad waayeel ah,” ayuu yiri Dawa. Wuxuu intaas ku daray in weeraryahannadu ay gubeen guryo badan ka hor inta aysan goobta ka baxsan.
Afhayeenka booliiska gobolka Kaduna, Mansur Hassan, ayaa sheegay in taliska booliiska uu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono dhacdada goor dambe.
Xigasho: Reuters

