109 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Dalka Jabuuti.

Axad 11 Oct 2026 {HMC} Ugu yaraan 109 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 15 carruur ah ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Dalka Jabuuti, taasoo noqotey shilkii doon ee ugu dhimashada badnaa ee la diwaangaliyo taariikhda xeebaha Dalka Jabuuti.

Doonta oo siday ku dhowaad 305 qof ayaa ka ambabaxday Jabuuti iyadoo ku sii jeedday Dalka Yemen. Hase yeeshee waxay ku degtay meel u dhow xeebaha magaalada Obock ee Dalka Jabuuti, sida ay sheegtay Hay’ada socdaalka caalamiga ah ee IOM.

Ilaa hada waxaa la soo helay 109 meyd, waxaana weli la laayahay 84 qof oo kale, waxaana masiibadan ka badbaaday 82 qof oo dhammaantood Itoobiyaan ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Golaha Mustaqbalka oo Madaxweyne Xasan ugu digay inuu weerar ku qaado Shariif iyo madaxda mucaaridka.

Isniin 12 Oct 2026 {HMC} Golaha Mustaqbalka ayaa Madaxweyne Xasan ugu digay inuu weerar ku qaado Madaxweyne Shariif iyo madaxda mucaaridka. Warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka ayaa...