Mareykanka oo duqeeyay maraakiibta shidaalka ee leedahay Iran

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Ciidamada Maraykanka ayaa weeraray shan markab oo nooca qaada shidaalka oo Iran leedahay, iyaga oo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay laba weerar oo Iran ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku qaaday markab dagaal oo Maraykan ah.

Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka, CENTCOM, ayaa sheegay in afar ka mid ah Maraakiibta, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iran, lagu bartilmaameedsaday Badda Cumaan.

 

Markabka Shidaal ee shanaad ayaa lagu weeraray meel u dhow jasiiradda Kharg, oo ah xarun weyn oo dhoofinta saliidda ah oo ku taalla xeebaha Iran ee Gacanka.

Iran ayaa jawaab uga bixisay weerarrada Maraykanka iyadoo gantaallo ku tuurtay saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun.

Si kastaba, Urdun ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay soo rideen 18 ka mid ah 20-ka gantaal ee Iran ay ku tuurtay dalka.

Weerarrada is-daba-joogga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ayaa toddobaadkan sii xoogeysanayay, in ka badan lix bilood kadib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo weerarro ka dhan ah Iran qaadeen.

Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay bilowgii ganacsiga suuqyada Aasiya.

Shidaalka noocaBrent, oo ah halbeegga caalamiga ah, ayaa kor u kacday 1.5%, iyadoo fuushay $99.41 foostadii, halka shidaalka Maraykanka laga kala iibsado ay kor u kacday 1.6%, oo gaartay $94.55 foostadii.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegatay inay weerartay Maraakiib oo laga leeyahay maraykanka

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanku ay weerareen “laba markab oo Maraykan ah iyo siddeed...