Isniin 23 Nov 2026 {HMC} Danjiraha Safaaradda JFS ee Dalka Sacuudiga Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa maanta kulan la yeeshay Gudoomiyaha Hay’adda Guud ee Gaadiidka Boqortooyada Sacuudi Careebiya Eng. Fawaaz Al-Suhli.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga, gaar ahaan isku socodka gaadiidka Badda ee labada dal.

