Arbaco 4 Nov 2026 {HMC} Qareen si weyn looga yaqaan dalka Kenya, laguna magacaabo Abshir Ahmedsadaq, ayaa lagu afduubtay magaalada Nairobi.
Muuqaal ay duubtay kaamiradda CCTV, oo muujinaya qaabkii looga afduubtay waddada Muchai Road, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.
Dhankiisa, Taliyaha Waaxda Dambi-baarista Dambiyada (DCI), Mohamed Amin, ayaa sheegay inaysan ciidamada boolisku wax lug ah ku lahayn afduubka Abshir.

