Axad 1 Nev 2026 {HMC} Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa gacanta ku dhigay eedaysane C/casiis Shaafi Axmed oo shacabka lacag kaga urursanayay samafal been abuur ah, isaga oo adeegsanayay magaca samafale Nasradiin oo ka mid ah samafalayaasha deegaanka.
Eedaysanaha, ayaa shacabka u sheegi jiray khayaanooyin ay ka mid yihiin in uu hayo qof tabaalaysan oo gargaar u baahan, baraha bulshadana soo dhigi jiray Sawiro qof tabaalaysan isaga oo dadka ka codsanaya inay soo caawiyaan oo ay lacago usoo diraan, marara, intuu dadka toos u waco ku odhanayay waxaan ahay samafale Nasradiin’e lacag soodir oo kasoo qayb qaado tabarucaad.
Eedaysanaha ayaa qirtay inuu ku uruuriyay habkan khayaanada ah lacag ku dhow 500,000 oo Birr. Booliska oo muddo daba socday kiiska eedaysanahan ayaa maanta ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan.
Waxa kale oo ay bulshada uga digeen inay ka taxadaraan falalka noocan oo kale ah, iyaga oo sheegay in cid kasta oo ku kacda khiyaanooyinka noocan ah tallaabo sharci ah laga qaadi doono

