Türkiye oo Soomaaliya u soo dirtay U-qeybsane cusub oo Ciidanka Badda ah.

Axad 1 Nev 2026 {HMC} Dowladda Türkiye ayaa Soomaaliya u soo magacawday Gaashaanle Dhexe Fatih Mehmet Ünal, oo ka tirsan Ciidanka Badda Türkiye, si uu u noqdo U-qeybsanaha Ciidanka Badda ee Safaaradda Türkiye ee Muqdisho.

Sida ay sheegtay Safaaradda Türkiye, Ünal ayaa soo gaaray Muqdisho. Safaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Türkiye sii wada taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan dib-u-habeynta Ciidanka Badda, tababarrada iyo dhisidda awoodda ciidanka, taas oo qayb ka ah xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.

Dhawaan ayay ahayd markii Türkiye uu Soomaaliya u soo diray Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qeybsanaha Arrimaha Ciidanka Cirka ee Safaaradda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Xalane ku xirtay muwaadin British ah, kadibna dalka laga saaray.

Axad 1 Nev 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo saacado ah Hoteel ku yaalla xerada Xalane ku xirtay Ryan Brige oo lagu eedeyay...