Axad 1 Nev 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo saacado ah Hoteel ku yaalla xerada Xalane ku xirtay Ryan Brige oo lagu eedeyay inuu amar la’aan duubay goobo xasaasi ah.
Safaarada UK ee Soomaaliya ayaa Dowladda kala hadashay ninkaan oo ugu dambeyn u safray dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono wadankiisa Ingiriiska.
Ninkaan ayaa aad ugu ololeeya ka hortaga soo galootiga gudaha dalka UK, isagoo Maxkamad ka ballansan Isniinta berri.

