Axad 1 Nev 2026 {HMC} Mucaaradka Israa’iil ayaa isku diyaarinaya inay la wareegaan maamulka baarlamaanka (Knesset-ka), iyagoo beddelaya Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana meelmarinaya sharciyo si gaar ah loogu beegsanayo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashooyinkii baarlamaanka ee dhacay maalintii Talaadada ayaa muujinaya in xulafada Netanyahu ay heleen 53 kursi (oo ka mid ah 120-ka kursi) ee baarlamaanka, halka xisbiyada mucaaradka Israa’iil ay heleen 48 kursi, xisbiyada Falastiiniyiintuna ay heleen 19 kursi.

