isniin 2 Nev 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la geeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Gorgor.
Taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada kala hadlay xaaladda amni iyo muhiimadda ay leedahay diyaar-garowga iyo gudashada waajibaadka qaran.
Booqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee Uganda ay qorsheynayaan inay ka baxaan Baraawe, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegayaan mas’uuliyadda amniga magaalada.

