Axad 1 Nev 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, kuna xaqiijinayso nabadgelyada shacabka, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qeybaha ay khuseyso ee ka shaqeeya ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Intii uu socday shirka waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda amni, lana xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud, si shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ay u helaan nabadgelyo iyo xasillooni.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana dardargeliyo howlaha ay hay’adaha amniga u hayaan bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo hantidooda ay tahay masuuliyad mudnaan gaar ah u leh Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eleey, Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Maxame Korsaar iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan Laamey.

