Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka jameeca oo hoostago Dagmada Buur hakabo.

Talaado27 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku guda jira gulufka howlgalka Banooda, ayaa 26-kii Oktoobar weerar culus oo saacado badan qaatay ku qaaday deegaanka Jameeca ee hoostaga Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Dagaalka oo dhowr goobood ka dhacay ayay geesiyaasha qaranku jab xooggan ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo la dilay ku dhowaad 75 maleeshiyaad ah, halka 56 kale lagu dhaawacay maleeshiyaadka tirsan Khawaarijta.

Intii uu dagaalku socday, maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ayaa gaadiid ay ka buuxiyeen walxaha qarxa ku weeraray gaadiidka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana weerarkaasi ka dhashay waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka qaarkii.

Ciidamada geesiyada XDS ayaa sii wadi doona howlgalkaas Banooda, mana hakin doonaan Khawaarijta iyo cid kasta oo garab iyo gabbaad siisa.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah gulufka joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, kuna burburinayaan fariisimahooda iyo isku-day kasta oo ay ku doonayaan inay dib isugu abaabulaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna adkaynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab ay sii socon doonaan, si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona xaqiijiyo amniga, nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya iyo Kenya oo Iska Kaashanaya Dhismaha Markazka Hidaaya ee Kilifi.

Talaado 27 Oct 2026 {HMC} Danjiraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay bandhig khayri ah oo hordhac...