Dowladda Soomaaliya oo Ansixinaysa Qaab-dhismeedka Qaranka ee Isku-duwidda Dowladda Dijitaalka ah.

Talaado 27 Oct 2026 {HMC} Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kaashanaya Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa wada Aqoon-is-weydaarsi Qaran oo lagu ansixinayo Qaab-dhismeedka Qaranka ee Isku-duwidda Dowladda Dijitaalka ah (National Digital Coordination Framework – NDCF).

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa isu keenay masuuliyiinta ICT-ga iyo khubarada farsamada ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u falanqeeyaan una ansixiyaan qaab-dhismeedka, u eegaan natiijooyinka Qiimaynta Aasaasiga ah ee ICT-ga Qaranka, isla markaana u xoojiyaan isku-duwidda, wada-shaqaynta iyo is-waafajinta nidaamyada dowladda dijitaalka ah.

Hindisahan wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo dowlad dijitaal ah oo casri ah, isku xiran, ammaan ah, isla markaana kor u qaadda tayada adeegyada loo fidiyo shacabka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Dagaal shalay ka dhacay Deegaanka jameeca oo hoostago Dagmada Buur hakabo.

Talaado27 Oct 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku guda jira gulufka howlgalka Banooda, ayaa 26-kii Oktoobar weerar culus oo saacado badan qaatay...