Jimco 23 Oct 2026 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Sayid Axmed Siidii, ayaa maanta booqasho iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ciidamada ku wareejiyey deeq ka kooban xoolo nool, taas oo loogu talagalay dhiirrigelinta iyo garab istaagga geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

