Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka saxiixay Baaqa Muqdisho.

Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka saxiixay Baaqa Muqdisho, iyadoo la soo Gabagabeeyay Dib u-eegista Muddada Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta saxiixay Baaqa Muqdisho ee Madasha Maalgashiga iyo Ganacsiga Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ee Bandhigga Wadajirka lada dal.

Waxa uu bayaanka dowladda Uganda u saxiixay Mudane Jeneraal Henry Tumukunde oo ah, Wasiirka Wasaaradda Jinsiga, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Jamhuuriyadda Uganda, xilli la soo gabagabeeyay kulanka dib u-eegista muddada dhexe ee Guddiga Wadajirka ah ee Joogtada ah ee labada dal.

Baaqa ayaa labada dal ku waajibinaya inay ballaariyaan ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxa uu sidoo kale daba socdaa heshiisyadii laga gaaray dhinacyada shaqada iyo duulista rayidka, wuxuuna astaan u yahay soo gabagabeynta dib u-eegistii ugu horreysay ee muddada dhexe oo ay Soomaaliya martigeliso.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Guddiga Golaha Shacabka oo Ka Dooday Xeerarka Xuquuqda Haweenka, Qoyska iyo Carruurta.

Khamiis 22 Oct 2026 {HMC} Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay, xafiiskiisa xarunta...