Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Difaaca Afrika.

Khamiis 8 October 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kampala kaga qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta la soo gabagabeeyay, kaddib saddex maalmood oo uu socday.

Shirka waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika iyo urur goboleedyo, waxaana diiradda lagu saaray doorka ciidamada ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, sida ilaalinta nabadda, ka jawaabista musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, oo shirka soo xiray, ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga, isku-duwidda iyo wada shaqaynta ciidamada Afrika, gaar ahaan hawlgallada milatari ee aan ku salaysnayn dagaallada caadiga ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Eriteriya oo Beenisay in ciidan keedu gudaha u galeen Itoobiya.

Arbaco 7 October 2026 {HMC} Eriteriya ayaa diiddey in ciidan keedu gudaha u galeen Itoobiya, iyada oo Wasiirka Warfaafinta, Yemane Meskel uu sheegey in...