Arbaco 7 Oct 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xaqiijisay ciidanka Eritrea inay gudaha usoo galeen dhulka Itoobiya , iyadoo dalbatay in ciidamadaas si degdeg ah looga saaro.
Enatalem Melese, oo ah wasiirka adeegga Isgaarsiinta Itoobiya ayaa Bloomberg u sheegtay:
“Dhammaan ciidamada shisheeye ee ka sugan gudaha dhulkeenna madax-bannaan waa inay si degdeg ah uga baxaan. Gaar ahaan, ciidamada Eritrea ee ka hawlgala Tigray waa inay dib uga baxaan dhulka Itoobiya.”
Ma aysan sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadayso Itoobiya, haddii ciidanka Eritrea ay sii joogaan dhulka Itoobiya, balse waxa cad xiisadda Itoobiya iyo Eritrea inay joogto meeshii ugu khatarta badnayd.

