Isbahaysiga difaaca Maka, oo magacaabay xoghayaha guud ee isbahaysigaas.

Arbaco 7 Oct 2026 {HMC} Isbahaysiga difaac ee dalalka Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga ee Maka, ayaa magacaabay xoghayaha guud ee isbahaysiga, tallaabo ay ku soo bandhigayaan in la dhammeystirayo qaab dhismeedka isbahaysiga oo u muuqda in la tixraacayo hannaanka isbahaysiga galbeedka ee NATO.

Waxaa jagada u sarreysa ee isbahaysigan loo magacaabay Sarreeye Guuto oo horey uga tirsanaa ciidamada Pakistan, Noman Mahmood, wuxuuna xilkan heyn doonaa muddo saddex sanno ah, sida ay maanta baahisay Al Jazeera.

Noman Mahmood wuxuu ciidamada Pakistan ku biiray 1987, isagoo ka tirsanaa guutada Baloch. Wuxuu haystaa shahaadada Master-ka ee Daraasaadka Dagaalka. Waxa uu wax ku bartay Kulliyadda Taliska iyo Ciidanka ee Quetta,kulliyadda ciidamada ee Masar, iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Islamabad.

Wuxuu soo noqday Agaasimaha Guud ee Waaxda Falanqaynta ee sirdoonka Pakistan (ISI). Shaqadiisu waxay ahayd qiimeynta xaaladaha iyo isbeddellada ka dhacaya dalalka kale, iyadoo laga eegayo dhinaca amniga qaranka, iyo ka qaybqaadashada go’aamada istaraatiijiga ah iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Ka hor intaas, wuxuu lahaa khibrad ciidan, oo ay ka mid ahayd hoggaaminta ciidankii ka howlgalay Waqooyiga Waziristan.
Wuxuu sidoo kale hoggaamiyay guutada 11-aad ee fadhigoodu ahaa Peshawar, ka dib wuxuu noqday Kormeeraha Guud ee Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Macluumaadka ee Taliska Guud ee Ciidanka Pakistan.

Waxaa u xigtay inuu noqday madaxa Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Islamabad, ka hor inta uusan ciidamada ka fariisan bishii April 2023, iyadoo toddobaadkan loo magacaabay jago sumcadiisa kor u qaadaysa oo ah xoghayaha isbahaysiga Maka ee xaruntiisa dhexe ay ku taal magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Eriteriya oo Beenisay in ciidan keedu gudaha u galeen Itoobiya.

Arbaco 7 October 2026 {HMC} Eriteriya ayaa diiddey in ciidan keedu gudaha u galeen Itoobiya, iyada oo Wasiirka Warfaafinta, Yemane Meskel uu sheegey in...