Isniin 5 Oct 2026 {HMC} Meydadka badmaaxiyayaal Pakistaaniyiin ah oo lagu dilay Soomaaliya ayaa maanta la geeyay Dalkaas
Badmaaxiyayaasha meydkooda lageeyay Pakistaan ayaa burcad-badeedda Soomaali ah ku dishey markabka MT Honur25 oo dhawaan ay furteen ciidanka Maamulka Puntland.
Qaar kamid ah Ehelada ragga dhintay ayaa sheegey; in wiilashoodu ahaayeen rag xoogsato musliim ah oo Soomaalidu gardarro ku dishey, waxa kale oo ay eedeen dowladda Pakistan oo ay sheegeen in ay bixin weydey madax-furasho balse hadda u ballan-qaaday lacag; “Lacag ma rabno nafta wiilasheenii gardarrada lagu diley ayaan rabnaa.” — Waalid Mascuud Ansaari ayaa u sheegey warbaahinta.


