Mareykanka oo dhammaan diyaaradaha B-1 ee Fulin jiran Duqeymaha dheer dheer Dib ugu Celiyay Mareykanka.

Isniin 5 Oct 2026 {HMC} Mareykanka ayaa dhammaan diyaaradaha B-1 ee duqeymaha riddada dheer kala baxay saldhigga RAF Fairford ee Britain, kuna celiyay saldhigyadooda gudaha Mareykanka, kaddib walaac cusub oo dhinaca ammaanka ah, sida ay qortay Reuters⁠.

Tallaabadan ayaa timid maalmo kaddib markii Britain ay baaritaan ku billowday qorshe la tuhunsan yahay in lagu weerari lahaa RAF Fairford, oo Mareykanku u adeegsanayay duqeymaha ka dhanka ah Iiraan.

Lix qof ayaa loo xiray baaritaanka, oo uu ku jiro nin haysta dhalashada Britain iyo Iiraan. Dhammaantood markii dambe dammaanad ayaa lagu sii daayay, baaritaankuna weli wuu socdaa. Booliska ayaa sheegay in aysan goobta ka helin walxo qarxa oo diyaarsan, sida Reuters⁠ ka soo xigatay.

Dowladda Britain waxay sheegtay inay jiraan tilmaamo muujinaya in Iiraan laga yaabo inay wax ka ogeyd qorshaha la tuhunsan yahay, halka Tehran ay eedeymahaas beenisay.

RAF Fairford wuxuu ahaa saldhig muhiim u ah howlgallada Mareykanka ee dagaalka Iiraan, waxaana halkaas joogay ilaa 12 diyaaradood oo B-1 ah.

Pentagon-ka ayaa sheegay in dib usoo celinta diyaaradaha ee saldhigyadoodii Mareykanka aysan meesha ka saareyn awoodda Mareykanka ee fulinta duqeymo riddada dheer.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Towfiiq ee Dagmada Balanbal.

Isniin 5 Oktoobar, 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, waxaana...