Madaxweyne Xasan Shiikh oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Turkiga.

Muqdisho, 01, October 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Ferhat Alkan iyo Midowga Yurub mudane László Máthé, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabaya waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha aya Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen madaxdooda, iyaga oo bogaadiyay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay ka gaartay dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Itoobiya oo ku dhawaaqday in dalka ay ka ceyrisay diblomaasi sare oo ka tirsanaa Safaaradda Masar ee Addis Ababa.

Khamiis 1 October 2026 {HMC}  Kaddib markii Itoobiya iyo Eritrea ay kala qaateen safaaradihii iyo ergadii ka shaqaynayay, waxay xiisadda dublumaasiyadeed u gudubtay Masar...