Warbaahinta madaxa bannaan oo loo diiday in ay tabiso doorashada Maanta laga bilaabay deegaanada Hirshabelle.

Khamiis 1 October 2026 {HMC} Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa warbaahinta madaxa bannaan ka hor istaagay inay si toos ah u tabiso doorashada maanta ka furantay deegaanada Hirshabelle.

Go’aankan ayaa saameyn ku yeeshay howlaha warbaahinta ee la xiriira tebinta doorashada, iyadoo wariyeyaasha iyo hay’adaha warbaahinta madaxa bannaan aysan helin fursad ay goobaha doorashada uga soo gudbiyaan wararka iyo dhacdooyinka la xiriira geeddi-socodka doorashada.

Qaar kamid ah Saxafiyiinta ka howlgalo Gobolka Hiiraan iyo Warbaahinta ugu Afka dheer deegaanada Hirshabelle ee Hiiraanweyn ayaa kamid ah warbaahinta loo diiday tabinta Doorashada ka bilaabatay Deegaanada Hirshabelle.

Warbaahinta ayaa door muhiim ah ku leh tebinta doorashooyinka, gaar ahaan wacyigelinta bulshada, gudbinta xogta ku saabsan habka codbixinta iyo la socodka dhacdooyinka ka dhacaya goobaha doorashada.

Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in warbaahinta madaxa bannaan laga xaddido tabinta doorashada, waxaana arrintan ka dhashay su’aalo ku saabsan hufnaanta iyo helitaanka xogta doorashada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Safiirka Cusub Ee Dowlada Turkiya u soo magacaawday Soomaaliya oo laga gudoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga

Khamiis 1 October 2026 {HMC} Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Ee Dowlada Turkiya u...