Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed oo booqday goobtii dhawaan uu ka dhacay qaraxii ismiidaaminta Ahaa.

Arbaco 30 Sep 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday goobtii dhawaan uu ka dhacay qarax baabuur ay Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa si gaar ah u kormeeray goobihii uu weerarku waxyeellada kasoo gaareen misaajidka dadka xaafada ay ku dukanaayeen, Hotel RB, Jaamacada Koonfurta Soomaaliya iyo guryihii uu saameeyey qaraxa, isagoo warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo maamulka goobta.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay weerarka lagu waxyeelleeyay shacabka, isaga oo tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday, halka uu caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarka.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada Dowladda Soomaaliyeed iyo kuwa Koonfur Galbeed ee sida geesinimada leh uga hortagay weerarka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga magaalada Baydhabo iyo ilaalinta shacabka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ruushka oo si cad ugu hanjabay in uu Yurub ku weerarri doono hub nukliyeerka.

Arbaco 30 Sep 2026 {HMC} Ruushka ayaa si cad ugu hanjabay inuu Yurub ku weerarri doono hub nukliyeer ah haddii la isku dayo in...