Dagaalka Itoobiya oo sii Xoogeystay, iyo Kooxda TLF oo qabsaday saddex garoon Diyaaradeed.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka iyo TPLF ayaa isku eedeynaya bilaabidda dagaalka cusub. Saraakiisha Tigray waxay sheegeen inay iska difaacayaan weerar federaal ah, halka Addis Ababa ay TPLF ku eedeysay inay weerarro ka billowday Tigray kuna fidisay Amhara iyo Afar.

Militariga Itoobiya ayaa sheegay inuu qaaday weerar rogaal-celin ah, isagoo sheegtay inuu dilay 272 dagaalyahan oo Tigray ah isla markaana dhaawacay 260 kale. Tiradaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii toddobo kooxood oo hubeysan, oo ay ku jiraan TPLF, Amhara Fano National Movement iyo Oromo Liberation Army, ay ku dhawaaqeen isbahaysi cusub oo kasoo horjeeda dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto qaar kamid ah kooxahaas. Eritrea ayaa hore u beenisay eedeymo la mid ah, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada cusub.

Midowga Afrika ayaa ka digay sii xumaanshaha xaaladda, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay dib ugu noqdaan heshiiskii Pretoria.

Dadka ku nool Mekelle iyo deegaanno kale ayaa bilaabay inay kaydsadaan raashin iyo lacag caddaan ah, halka qaar kalena ay ka qaxayaan goobaha dagaalka, sida ay werisay AP.

Qabsashada saddexda garoon, dagaalka kusii fidaya Amhara iyo Afar iyo soo bixitaanka isbahaysiga cusub ee kooxaha hubeysan ayaa Itoobiya geliyey mid kamid ah marxaladihii amni ee ugu halista badnaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii Tigray sanadkii 2022

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...