Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Siyaasadda Beesha Xawaadle.

Isniin, 14, Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hoygiisa Ololaha ee magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynihii hore Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ku-xigeenka Golaha Khoone, Guddoomiyayaashii hore Gobalka Hiiraan Muuse Salaad, Cabdifataax Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Ganeey.

Golaha ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Madaxweynaha waxana ay xuseen inay si buuxdo garab ugu yihiin ayna ka qeyb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah.

“Waan idinka guddoomay hambalyada, kulankaan waa Hirshabeelle mideysan, wadajir ayaan u guulleysanay.” Madaxweynaha ayaa sidaasi ka yiri fadhigga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo bilaawday Qorshe lagu Horumarinaayo Xeryaha Ciidamada.

Isniin 14 Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Ibrahim Maxamed maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Gen. Dhagabadan, isagoo...